Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Guddoomiye ku Xigeenkii Degmada Yaaqshiid oo Qarax Miino ku Geeriyoodey
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:138
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:66
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:48
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:333
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 05 2008
Guddoomiye ku Xigeenkii Degmada Yaaqshiid oo Qarax Miino ku Geeriyoodey
Written by Ali Moallim   
Saturday, 05 July 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)- Waxaa Qarax Miino ku geeriyooday Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Yaaqshiid Xasan Cadde iyo inta badan ilaaladiisii oo ay gaari wada saarnaayeen, kuwaasi oo uu ka soo haray mid kaliya oo dhaawac ahaan Isbitaal loogu qaaday.

Warka ayaa waxaa uu intaasi ku darayaa in dadka ku geriyoodey Gaariga Minada laqaraxdey ay ku jirtey Xaaska Gudoomiye ku xigeenka Degmada Yaaqshiid oo uu naftiisa geeriyoodey.

Miinada lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Yaaqshiid iyo ilaaladiisa ayaa waxay ahayd nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, waxaana lagu soo waramayaa in Miinada oo ahayd mid culus ay gebi ahaanba burburisay Gaarigii uu saarnaa Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Yaaqshiid Xasan Cadde.

Halka uu qaraxa ka dhacay oo ah Xaafadda Jiiro garoob ee Degmada Yaaqshiid ayaa daqiiqado kadib markii uu qaraxaas dhacay waxaa soo gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo gebi ahaanba xiray inta u dhaxeysa Isgoysyada Fagax iyo Towfiiq.

Ciidamada oo halkaas baaritaanno ka bilaabay ayaa waxay gebi ahaanba hakad geliyeen dhaqdhaqaaqii Dadka iyo Gaadiidka, waxaana haatan shaqeyneynin Gaadiidkii BL-ka ahaa ee isaga kala gooshi jiray Isgoysyada Fagax iyo Towfiiq ee Wadada 30-ka iyo weliba kuwii ay gaarka loo lahaa.

Ma ahan Mas’uulkii ugu horeeyay oo Degmada Yaaqshiid laga dilo tan iyo wixii ka dambeeyay markii la Magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir ee uu Guddoomiyaha ka yahay Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere, waxaana horay loo dilay seddex guddoomiye loo magacaabay Degmada Yaaqshiid, ku xigeenno iyo weliba Guddoomiye Waaxeedyo, kuwaasi oo qaarkood si toos ah loo toogtay, halka kuwo kalena qarax lagu dilay.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >